Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Dowlada oo howlgal ku dilay Sargaal katirsan Al Shabaab (Magaca)

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa dilay sargaal katirsan Al Shabaab.

Howlgalka ayaa ka dhacay duleedka degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose waxayna Ciidanka Xoogga Dalka ku dileen Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka iyo tiro dagaalyahano ah.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay xubno ka tirsan  Al-shabaab iyo Madaxii Hoobiyaasha kooxdaasi.

Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 17 ka tirsan dagaalyahano Al-shabaab iyo madaxii Hoobiyaasha Nabadiidka.

Taliye Axmed ayaa Magaca sargaalka la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe isagoona Nabadiidka u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha.

Ciidamada milatariga gaar ahaan kuwa kumaandooska ayaa howlgalo qorsheesan ka fuliya deegaano katirsan gobolka Shabeelaha Hoose ay maamulaan Al Shabaab.

Related posts

Madasha Xisbiyada oo War kasoo saartay Shirka Muqdisho ka furmaya Baaqna u dirtay Farmaajo

Cabdi Cade

DF oo shaacisay arrin cusub oo lagu kordhiyey dabaaldegyadii maalmaha Xoriyadda

Caydiid Ali

Cumar Filish: “Cadaalad daro ayaan u aragnaa in Puntland la siiyo shahaadada dugsiga sare”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---