Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Deni oo safar deg deg ah ugu ambabaxay Magaalada Nairobi (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa safar ugu ambabaxay magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa muddo bil ah u joogay Muqdisho jiheynta Dalka marxaladda kala guurka ah iyo sidii ay wakhtigeeda ugu dhici laheyd doorasho la isla ogolyahay, taasi oo lagu guuleystay in la go’aamiyo lana ansixiyo iyadoo xalayna lasoo dhameystiray soo gudbinta habka, guddiyadda, habraaca iyo jadwalka doorashadda.

“Waxaan rajeynaya walwal badan oo laga qabay dhinaca doorashada inay maanta soo idlaatay, waxaan rajeynaya muddooyinka soo socda in dalku uu geli doono doorasho, si nabad ah uu ku geli doono oo xasilooni ah, waxaan bulshada Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan u rajeynayaa deganaansho iyo nabadooda oo ay ku fara adeygaan dowladdnimadooda ay gacantooda ku haystaan midnamadooda illaaliyaan, amnigana lagu dadaalo sidii dalka amnigiisa loo horumarin lahaa” ayuu yiri Deni saxaafada la hadlay ka hor inta uusan Muqdisho ka dhoofin.

Faahfaahin lagama bixin ujeedka safarka madaxweyne ku tagay Mairobi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada oo ka hadashay Weerar ka dhacay magaalada Dujuuma iyo Khasraaha ka dhashay

Cabdi Cade

Hubkii ugu badnaa oo lagu kala iibsanayo Muqdisho & qiimaha oo sare u kacay

Caydiid Ali

Xasan Cali Kheyre oo Caawa Raali galiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---