Qaraxyo ayaa goor dhoweyd oo fiidnimadii ah laga maqlay magaalada Muqdisho, iyadoo ay xigtay rasaas dad badan cabsi iyo walaac ku abuurtay.
Sida ay sheegayaan wararka ku soo dhacaya warqabadka allbanaadir.com Qaraxyadan oo loo adeegsaday labo bam gacmeed ayaa waxaa lagu weeraray guri ku yaalla agagaarka iskuulka Dhagaxtuur ee degmada Hodan kaasoo uu degan yahay Maxamed Abuukar Jacfar oo ahaa taliyihii hore ee howlgalinta ciidanka NISA ee gobolka Banaadir.
Jacfar oo sidoo kale ahaa Guddoomiyihii hore ee degmada H/wadaag ayey wararku sheegayaan inuusan joogin hoygiisa xiliga bambooyinka lagu weerarayey, waxaana la sheegay inuu safar ugu maqan yahay dibeda.
Saddex ka mid ah ilaaladiisa oo ku sugnaa hoygiisa ayaa ku dhaawacmay qaraxyadan sida ay sheegayaan warar aanu ku helnay saraakiil ka tirsan ciidamada amaanka, waxaana loo qaaday isbitaalada.
Rasaas ay fureen qaraxyada ka dib ilaalada guriga bamka lagu weeraray ayaa khal-khal ka abuurtay muddo kooban xaafado ka tirsan degmooyinka Hodan, H/wadaag iyo Waaberi inkastoo markii dambe xaaladu caadi ku soo laabatay, wuxuuna qaraxan ku soo aaday xilli ay caawa bilaabatay bisha Ramadaan.
Qaraxyo kale oo loo adeegsaday bambooyinka gacanta laga tuuro ayaa sidoo kale isla caawa ka dhacay isgoyska Bakaaraha iyo qeybo ka mid ah degmada Waaberi, lamana oga khasaaraha ka dhashay
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com