Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise oo ay wehliyeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug, Maamulka Gobolka Mudug iyo kan Degmada Gaalkacyo ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay qeybo cusub oo isugu jira dib u hagaajin iyo balaarin lagu sameynayo Isbitaalka weyn ee Koofurta magaalada Gaalkacyo.
Waxaa mashruuca hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka Galmudug iyo hay’adda samafalka ee NRC, iyadoo ay maal galineyso dowladda Jarmalka.
Agaasimaha Guud ee Isbitaalka Gaalkacyo ee Galmudug Maxamed Cabdi Axmed ayaa ka mahadceliyay balaarinta iyo dib u dayactirka lagu smaeynayo Isbitaalka, isagoo xusay in arrintani ay ku soo beegantay xili baahi weyn loo qabo.
Madaxda Hay’adda NRC ee Galmudug iyo bariga iyo bartamaha Somalia Sayid Cali Cabdi Siyaad oo ka warbixinayay Mashruucan ayaa isna sheegay in qeybaha lagu soo kordhinayo Isbitaalka ujeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo xoojin lahaa adeegyada Caafimaad ee isbitaalku u fidiyo bulshada.
Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa sheegay in ka Wasaarad ahaan ay gacan ka geysan doonaan daboolidda baahiyaha caafimaad ee ka jira guud ahaan Galmudug.
“Waxaan u mahad celinaynaa dhammaan heyadaha iyo cid kasta oo gacan ka geysanaysa fulinta mashruucan lagu balaarinayo Isbitaalka Guud ee koonfurta Gaalkacyo, Wasaaradana kaalinta kaga aadan ayey ka qaadan doontaa” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Mahad Caabi Ciise.
Waxaa sidoo kale munaasabadaas goob joog ka ahaa xubno ka tirsan golaha Wasiirada Galmudug oo ay ka mid yihiin Wasiirka haweenka, Wasiiru dowlaha Waxbarashada, Wasiirka Amniga iyo Wasiirka Arimaha gudaha.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com