Allbanaadir.com
NEWS

Jadwalka Doorashada Xildhibaanada , Gudoonka labada Aqal iyo Madaxweynaha oo lasoo saaray (Sawirro)

Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada dalka ka jira oo maalmihii lasoo dhaafay shir uga socday Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ugu dambeyn isku raacay jadwalka doorashada iyo habraaca loo marayo doorashada 2020-2021.

Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray ayaa lagu cadeeyay xiliyada ay dhacayaan doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka, doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.

Sida ku cad jadwalkan caawa lasoo saaray doorashada ugu horeyso oo noqon doonta mida aqalka sare ayaa bilaabaneysa 1-da bisha December iyadoona doorashada ugu dambeysa oo noqoneysa tan Madaxweynaha ay dhici doonto 8-da Febraayo ee sanadka 2021-ka.

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa sidoo kale ku heshiiyay habka loo marayo dhismaha guddiyada doorashada iyo sidoo kale guddiga Xalinta Khilaafaadka doorashada.

Halkan ka Akhriso Jadwalka Doorashada ee lasoo saaray 

 

Related posts

Aamusnaanta Sheekh Shariif oo shaki badan laga muujiyay iyo Villa Somalia oo la wareegtay….

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo casuumay Madaxda dowlad goboleedyada oo uu ku jiro Deni

Caydiid Ali

Xuutiyiinta oo Tel aviv ka geystay weerar dhimasho sababay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---