Allbanaadir.com
NEWS

Akhriso Xog ku aadan Shaxda Deegaan doorashada Xildhibaanada iyo kuraasta loo qoondeeyay

Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa inta badan ka heshiiyay doorashada soo socota, waxaana kulamadii ugu dambeeyay la isku afgartay magacaabista Guddiga Doorashada iyo kan Khilaafaadka.

Sida aan xogta ku helnay Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa isku fahmay shaxda deegaan doorashada Xildhibaanada golaha shacabka iyo asteenta kuraasta .

Gabo gabada shirka Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa la filayaa in laga soo saaro war murtiyeed ku cad qodabada ay ku heshiiyeen Madaxda Dowlada iyo kuwa maamulada iyo sidoo kale xiliga ay dhaceyso doorashada.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaana sanadkan loo asteeyay in lagu qabto maamul goboleed kasta labo magaalo oo katirsan, waxaana helnay xogta sida magaalooyinka loogu kala asteeyay kuraasta lagu soo dooran doono.

Halkan ka akhriso Shaxda Deegaanka Dooradshada Xildhibaanada iyo sida

Puntland 39 Kursi

1. Garoowe 24 Kursi (Kuraasta Sool, Nugaal iyo Mudug)

2. Boosaaso 15 Kursi (Bari, Qardho iyo Sanaag)

Galmudug 36 Kursi.

1. Dhuusamareeb 24 Kursi
2. Gaalkacyo 12 Kursi

Jubbaland 43 Kursi

1. Kismaayo 27 kursi
2. Gedo (Garbaharey) 16 Kursi.

Hirshabelle 37 Kursi

1 Jowhar 15 Kursi
2. Beledweyne 22 Kursi

Koonfur Galbeed 69 Kursi

1. Baydhabo 44 Kursi
2. Baraawe 25 Kursi

Gobolka Banaadir 51 Kursi

1. Banaadiri 5 kursi
2. Xubnaha Gobolada Waqooyi (Somaliland) 46 Kursi

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soo jeedintii Xeer Ilaaliyaha Qaranka oo lagu gacan seyray (Halkan ka Akhriso)

admin

Booliiska Faransiiska oo dilay Nin toogasho ka geestay dalkaasi (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxda Hirshabelle oo maanta la ciiday Shacabka Jowhar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---