Warar lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in gudaha xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Soomaaliya mudo bil ku dhawaad ah uu ku xiran yahay taliyihii Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab Gaashaale Ismaaciil Cabdi Maalik Maalin.
Taliyihii ciidamada Danab ayaana kahor inta aan xabsiga la dhigin lagu sameeyay shaqo joojin, waxaana waxii xiligaas ka dambeeyay lagu xabisay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga uu ku xiran yahay mudo ku dhaw bil.
Sida aan xogta ku helnay taliyaha ayaa sababta shaqo joojinta loogu sameeyay loona xiray loo sababeeyay in uu qaraabo dhaw yihiin Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu sidoo kale mar usoo noqday taliyaha ciidamada ilaalada Ra’isul Wasaaraha.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la sheegay in uu wax ka ogyahay shaqo joojinta iyo xariga loo geestay taliyihii ciidamada Danab Gaashaanle Ismaaciil oo ahaa sargaal aad u fir fircoonaa oo wax badan ka badelay ciidamada Danab intii uu taliyaha u ahaa.
Waxaa sidoo kale socda qorshe taliyaha Danab looga dhigayo nin kamid ahaa baratakoolka Madaxweyne Farmaajo oo dhawaan laga dhigay taliyaha qeybta sirdoonka milatariga Soomaaliya kadib markii xilkaasi sidoo kale looga qaaday sargaal ku heyb ahaa Ra’isul Wasaare hore Kheyre.
Dadkii aad ugu dhawaa una badan kuwa ku heybta Ra’isul Wasaare hore ee Soomaaliya ayaa laga soo eryay inta badan Xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaa sidoo kale xilal ka qaadis hada wajahaya xubno kale oo aad ugu dhawaa Kheyre.
Amar kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dhawaan xilalka looga qaaday saraakiil iyo taliyaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya kuwaa oo looga shakiyay in aysan daacad u aheyn Villa Soomaaliya qabiil ahaana kasoo jeedaan beesha Hawiye.
Dowlada Mareykanka ayaa horey si adag uga carootay shaqo joojintii lagu sameeyay taliyaha ciidamada Danab uu Mareykanku taageero, waxaana war kasoo baxay Mareykanka lagu sheegay in taliska Milatariga wadaan nin jecleysi iyo nidaam musuq maasuq ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com