Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiye Cumar Filish oo dhagax dhigay dhismaha xarumo cusub (Sawirro)

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (cumar Filish), ayaa dhagax dhigay dhismaha xarunta Waaxda Kaawa Godeey ee degmada Dharkeenley iyo xarunta Caafimaadka ee hooyadda iyo dhallanka oo ay yeelanayso Waaxda Kaawa Godeey.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, maamulka degmadda dharkeenlay iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Guddoomiyaha Degmadda dharkeenlay ee Gobolka Banaadir mudane, Guhaad sheikh hassan, oo guddoomiyaha Gobolka Banaadir, kaga mahadceliey dhagaxdhigga waaxdan, ayaa ka warbixiyey dhismaha waaxda kaawa Godeey iyo baahidda ay bulshaddu u qabto.

“Waaxda Kaawa Godeey ee Degmadda dharkeenlay waxay kamid tahay waaxyaha ugu weyn Degmadda, horey degmaddu Afar Waax ayey u lahayd balse Waaxdan ugu yar ayaa hadda u muuqata inay tagay Waaxda ugu weyn Degmadda dharkeenlay, waa Waax soo koreysa, dhismaysa, Goofna leh sido kalana deeggaan ah,  Maadama Waaxdan ay ku nool yihiin bulsho badan waxaan ku faraxsanahay inay yeelato Xarun Caafimaad (MCH), waxaana rajeynaynaa in baahiyihii bulshadaan haystay daboosho” ayuu yiri guddoomiye Gohaad.

Senater, Zamzam Daahir Maxamuud oo kamid ah mudanayaasha Golaha Aqalka Sare, ayaa kaga mahadcelisay Maamulka Gobolka Banaadir dhismaha Caasimadda iyo horumarka ballaaran ee ka socda Gobolka Banaadir, waxaana ay sheegtay in Bulshadda ku nool Caasimadda Soomaaliya ay u baahan yihiin Horumarin Caafimaad iyo mid dhaqaalaba.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada AMISOM oo baaray hoolka lagu qabanayo Doorashada ee Jowhar (Sawirro)

Cabdi Cade

Israel oo war cusub ka soo saartay mudada uu qaadan karo dagaalka Gaza

Caydiid Ali

Magaalooyinka Muqdisho iyo Ankara oo mar kale la mataaneenayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---