Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo kasoo kordhay xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka

Madaxtooyada Soomaaliya waxaa wali ka socda shir u dhaxeeya Madaxda Dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirkan go’aan looga gaari doonaa doorashada waqtiga ay dhaceyso iyo magacaabista guddiyada doorashada.

Sida aan wararka ku helnay Madaxda shirka u socdo ayaa inta badan isku raacay habka loo marayo magacaabista guddiyada doorashada heer federaalka iyo heer maamul goboleed iyo magacaabista guddiga khilaafaadka.

Madaxda shirsan ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa in ay isku raaceen waqtiga ay bilaabanayaan doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ee ka dhacaya Dowlad goboleedyada iyo Muqdisho.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Madaxda shirka uga socdo Madaxtooyada Soomaaliya in ay isku raaceen  Doorashada Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka federeaalka bilaabato dhamaadka bishan October ayna socoto ilaa bisha November.

Waxaa sidoo kale Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee shirku u socdo isku raaceen in doorashada Xildhibaanada golaha shacabka bilaabato bisha  November 2020 ayna socoto ilaa bisha  January 2021=ka.

War Murtiyeed ay ku cad yihiin qodabada kasoo baxay heshiisyada ay dooareshada ka gaareen iyo sameynta guddiyada Dooraashada iyo khilaafaadka ayaa la filayaa in gabo gabada shirka kasoo saaraan Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamulada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Cali Warsame Xasan oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka tacsiyadeeyay

Cabdi Cade

Somaliland oo beenisay warbixinta COVID-19 ee ay baahiso dowlada Somalia

Caydiid Ali

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka cusub ee DF oo beeniyay inuu Al-Shabaab la shaqeeyo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---