Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Ismiidaamin ah oo goordhaw ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa goordhaw qarax ismiidaamin ah uu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoosyada Baar Ubax iyo Black Sea gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaan Daallo , waxaana qaraxan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan waxaa fuliyay qof waxyaabaha qarxa jirkiisa kusoo xiray kaa oo isku qarxiyay goob  ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Nabad sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cad ah.

Goobjoogayaal ayaa ku waramay in qaraxa uu ka dhacay geed hoostiisa ay inta badan fariisan jireen ciidanka dhar cadka ah, waxaana wararka soo baxaya qaarkood sheegayaan in qaraxa fulisay haweeney halka dadka qaarna nin sheegayaan.

Gaadiidka gurmadka deg dega oo soo gaaray goobta qaraxu ka dhacay ayaa goobtaasi ka qaaday dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa, walina lama oga khasaaraha dhabta ah ee qaraxan ka dhashay.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Related posts

(Sawirro) Boliska Mareykanka oo xabsi ku guray dibed baxayaal ka careysan dagaalka Gaza

Caydiid Ali

(Sawirro) Muxuu Qoor-qoor ku soo arkay furumaha dagaalka degmada Ceelbuur?

Caydiid Ali

Jubbaland iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay qodobo la xiriira.. (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---