Allbanaadir.com
NEWS

Wariye Caan ahaa oo geeriyooday iyo Dowlada Soomaaliya oo ka hadashay

Allaha u naxariistee waxaa xalay isbitaal ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Wariye Cabdulqaadir Maxamed Mursal oo ahaa rug cadaa saxaafadeed oo caan ka ahaa gudaha Soomaaliya.

Wariyaha ayaa mudooyinkii dambe ku xanuunsanaa isbitaal kuyaala magaalada Minneapolis , waxaana gabadhiisa sheegtay in aabaheed uu ku dhacay cudurka Caronavirus balse uu ka bogsaday cudurkaasi uguna dambeyn u geeriyooday saameyntii uu ku reebay cudurkaasi.

Sii Hayaha wasiirka warfaafinta Xukuumada Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Wariye Mursal, waxa uuna ku tilmaamay wariyaha in uu ahaa rugcadaa wax badan kasoo qabtay Warbaahinta Soomaaliya.

Cabdulqaadir Maxamed Mursal ayaa ahaa rug cadaa mudo dheer saxaafada Soomaaliya kusoo jiray, waxa uuna kamid ahaa Wariyaashii kasoo shaqeeyay Radio Muqdisho, waxa uuna madax kasoo noqday Warbaahino kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Degaano ka mid ah gobolada dhexe ee Somalia oo maanta laga sooman yahay

Caydiid Ali

Koox sheegatay Masuuliyada Qaraxyadii shalay ruxay magaalada Kampala

Cabdi Cade

Madaxweynaha Jubbaland oo xil culus u magacaabay Eng Cabdi Xuseen Maxamed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---