Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamulada oo isku fahmay Dhismaha Sadex Guddi

Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda maamul Goboleedyada isku fahmeen dhismaha sadex guddi .

Shirka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada oo habeen hore furmay ayaa la isku raacay dhismaha guddiyada Doorashada Heer federaal, Heer Maamul goboleed iyo sidoo kale guddiga xalinta khilaafaadka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaana soo magacaabi doona Guddiga Doorashada heer Federaal halka madaxda maamul goboleedyada ay soo magacaabi doonaan guddiyada doorashada heer maamul goboleed.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada ayaa inta badan isla gartay qodabadii ay shirarka u socday uga doodayeen ay kamid yihiin asteenta kuraasta iyo deegaanada doorashada ka dhaceyso .

Gabo gabada shirka ayaana la filayaa in laga soo saaro War Murtiyeed ku cad qodabada ay ku heshiiyeen , waxaana la filayaa in Madaxda shaaciyaan hab raaca doorashada iyo xiliga rasmiga ah ee laga yaabo in ay bilaabato.

Madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa magaalada Muqdisho ku sugan isbuucyo , waxaana la filayaa in deegaanadooda dib ugu laabtaan marka uu soo dhamaado shirkan hada u socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo ka dhacay Buulo Burte iyo Jalalaqsi iyo Madaxweyne Guudlaawe oo ka hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa Maxay Sababaha Fashiliyay Dib U Doorashadii Xasan Sheikh Sanadkii 2017kii?

Cabdi Cade

Dal Afrikan ah oo taageeray Go’aankii Madaxweyne Trump ee magaalada Qudus

admin
Taboola Ads ---