Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Maxay tahay digniinta ka soo baxday Maamulka Puntland ee shacabka loo jeediyey?

Wasaaradda degaanka, Beeraha iyo isbedelka cimilada Puntland sheegtay inay roobab Mahiigaan ah oo dabeylo wata ay ku soo wajahan yihiin degaanada Puntland.

Fariintan ayey wasaaraddu si gaar ah ugu dirtay goboladda Bari, Nugaal, Sanaag iyo Sool kuwaasoo qaybo ka mid ah ay durba roobabku ka bilowdeen.

Dadweynaha ayaa looga digay iney ku dhawaadaan goobaha biyuhu maraan sida togaga oo laga yaabo in daadad ka dhashay roobabka ay ka soo rogmadaan sidoo kale kaluumeysatada ayaa digniin taas la mid ah loo jeediyey.

Dhowaan ayey ahayd markii Haweeney ay ku dhimatay roobab dabaylo wata oo da’ay degmada Rako-raaxo ee gobolka Karkaar ka dib markii qaadeen daadad ka dhashay roobabkaas.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo shaaciyay in dalka Difaacayaan baaqna u diray shacabka

Cabdi Cade

Xassan Shiikh oo ka hadlay howlgalkii Mareyanku ka fuliyey Puntland

Caydiid Ali

Milateriga Israel ee Gaza oo cadaadis ku haya Netanyahu

Caydiid Ali
Taboola Ads ---