Wadada isku xirta Afgooye, Walanweyn ilaa Balidoogle ayaa noqotay Dakad ay kuwada xisaabtamaan Taliska Sare ee Xoogga Dalka iyo Alshabaab , waxaana wadadaasi labada dhinac kasoo gala lacago xad dhaaf ah oo laga qaado shirkado qandaraas layaal ah oo leh Baabuurta u sida Qalabka dhismaha , shidaalka iyo Raashinka Taliska Balladoogle degan.
Baabuurtaas oo heshiis lagula galay in si nabad galyo ah loo marsiiyo wadada, lagana qaato lacag xoog leh oo ay iska soo aruuriyaan bil kasta, lacagtaas oo Qaybta ugu badan ayaa la sheegay in uu qaato Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawa Yuusuf Raage, halka boqolkiiba labaatana lasiiyo Xarakata Al shabaab si aysan u carqaladeen gudbinta Baabuurtaas.
Waxaana xusid mudan in xilal looga qaaday is fahan waay ka yimid habka loo qeybsanayo lacagahaas laga qaado shirkadaha Taliyihii hore ee Guutada 7’aad Xassan jaamici, oo aad ugu fara dhuubnaa arimahaas.
Waxaa sidoo kale xilka laga qaaday Sarkaalkii Xassan Jaamici lagu beddelay oo lagu magacaabo Cumar C.raxmaan, kaasoo ku adkaystay kana hor yimid lacagta baada ah ah ee ganacsatada laga qaado kadibna uu ku waayay xilkiisii.
Waxaana horay u dhacday in la dilay Maxamed toxob oo ahaa madaxii shirkadaha qandaraas layaasha, iyada oo uu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka, is faham waa ka yimid lacagihii laga qaaday shirkadaha awgeed.
Talaabadan ayaana muujineysa in wada shaqeyn dadban iyo wax wada cunis ka dhaxeeso saraakiil katirsan ciidanka milatariga iyo Al Shabaab , mana jirto ilaa hada wax talaabo ah oo qaaday dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo oo horey u balan qaaday la dagaalanka Musuq maasuqa .
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com