Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Khasaarihii ka dhashay Dabkii Dhuusomareeb iyo Galmudug oo balan qaad sameeyay

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo kormeer ku tegay Xarumihii ganacsi ee ku gubtay Dabkii maanta ka kacay Magaalada Dhusamareeb.
 
Madaxweyne Ku xigeenka ayaa u tacsiyay isla markaana xanuunka la qeybsday ganacsatadii ku hantibeeshay khasaarihii ka dhashay dabkaas isagoona u rejeeyey soo kabasho degdeg ah iyo badal kheyr qaba.
 
Cali Ciid ayaa ballanqaaday in dowlada Galmudug ay lacag dhan 22,000$ ugu deeqyso Guddiga ganacsatada Magaalada Dhuusamareeb ee u xilsaaran soo iibinta dabdamis ay magaaladu leedahay.
 
Waxa uu intaas raaciyey in canshuur dhaaf loo sameynayo Ganacsatadii ku hanti beeshay dabkaasi, isagoona ugu baaqay Rugta Ganacsiga Galmudug iyo Guddiga Ganacsatada iney garab istaagaan u mujiyaan ganacsatada walaalahooda ee waxyeeladu soo gaartay.

Related posts

Akhriso Go’aano cusub oo qaarkood adag yihiin oo soo saartay Dowladda Soomaaliya

Cabdi Cade

Raisul Wasaaraha Itoobiya oo booqasho ku tagay degaanka Soomaalida (Sawirro)

Caydiid Ali

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay xarun Wasaaradeed iyo Masuuliyiin ku go’doonsan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---