Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Amiirka cusub ee dalka Kuwait oo la dhaariyay kadib geeridii ku timid Amiir Sheekh Sabaax

Baarlamaanka dalka Kuwait oo fadhi deg deg ah maanta yeeshay ayaa meel mariyay Amiirka cusub ee dalkaasi yeelanayo, maalin kadib geeridii ku timid Amiirkii Kuwait Sheekh Sabaax Al Axmed Al Jaabir.

Amiirka cusub ee dalka Kuwait ayaa loo dhaariyay Sheekh Nawaaf Al Axmad Al Jaabir oo ahaa dhax suge sidoo kale ahaa walaalka la dhashay Amiirkii dalka Kuwait ee shalay la xaqiijiyay geeridiisa.

Sheekh Nawaaf Al Axmad Al Jaabir oo Baarlamaanka hadal kahor jeediyay ayaa uga tacsiyadeeyay shacabka Kuwait geeridii kutimid Amiir Sabaax, waxa uuna balan qaaday in shaqadii uu hayay Amiirka uu halkiisa kasii wadi doono.

Amiirka cusub ee dalka Kuwait oo ah 83-sano jir ayaa horey xilal kala duwan ay kamid ahaayeen Wasiirada Arimaha Guddaha, Gaashaandhiga iyo Shaqada iyo arimaha bulshada usoo qabtay, waxa uuna kamid ahaa dadka ugu awooda badan Boqortooyada Kuwait.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Masjid kuyaalla Muqdisho oo shuruudo ku xiray dadka doonaya inay ku ictikaafaan

Cabdi Cade

Shabakad ka shaqeeneysay tahriibinta Dhallinyarada Soomaaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Turkiga oo lagu xiray dad badan u shaqeynayey Sirdoonka Israel ee Mossad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---