Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo la siiyay Gaadiid ay u adeegsato la dagaalanka Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Dowlada Mareykanka ayaa ku taageertay Ciidamada milatariga Itoobiya gaadiid kala duwan si ay ugu adeegsadaan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee ka dagaalanta gudaha Soomaaliya.

Safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in Xukuumada Washigton ku taageertay ciidamada Itoobiya gaadiidka ay ciidamada adeegsadaan si ay qeyb uga noqdaan howlagalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Warka kasoo baxay Safaarada Mareykanka ku leedahay Itoobiya ayaa lagu sheegay in taageerada ciidamada Itoobiya u fidiyeen ay isugu jirto taageero milatari iyo mid tababar ah oo la siinayo ciidamada si ay isaga difaacaan weerarada Al Shabaab.

Gaadiidka dowlada Mareykanka ku taageertay ciidamada Itoobiya ayaa isugu jira gawaarida safarada dhaa dheer gali kara ee Langruserka loo yaqaan, gaadiidka ciidamada qaada iyo sahayda iyo sidoo kale gaadiidka ampalaasta.

Dowlada Mareykanka ayaana gaadiidkan ugu tala gashay in ay adeegsadaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ee jooga gudaha Soomaaliya iyo sidoo kale ciidamada kale ee jooga xuduuda si ay uga hortagaan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Afrikan ah oo Wiilkiisa u Magacaabay Taliyaha ugu sareeya ciidanka Militaga

Cabdi Cade

Saadaq Joon oo Khilaaf ka dhax abuuray Madaxweyne Farmaajo iyo Qoor Qoor !!

Cabdi Cade

Shiinaha oo qaaday talaabooyin caro leh oo ka dhan ah dowlada Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---