Allbanaadir.com
NEWS

War cusub oo ka soo kordhay booqashadii Madaxweyne Farmaajo & Wafdigiisu ku joogeen Doxa

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa soo gabagabeeyay booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku joogay dalka Qadar, taasoo qaadatay muddo laba cisho ah.

“Waxaan soo gabagabeeyay booqashadii aan ku joogay Dalka aan Walaalaha nahay ee Qadar, wada hadalladii na dhex maray aniga iyo Walaalkay Amiirka Qadar Sheekh Tamim Bin Xamad Al Thani, waxay ahaayeen kuwo mira dhal ah oo ku soo dhammaaday guul” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Farmaajo iyo wafdigiisa oo goor dhow oo galabta ah ku soo laabtay Muqdisho ayaa Dowladda Qadar iyo Shacabkeeda ugu mahad celiyay soo dhaweyntii diirranayd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa.

Booqashada Madaxweynuhu ku tegay Qadar ayaa ka dambeysay martiqaad uu ka helay amiirka dalkaas, waxaana intii isaga iyo wafdigiisu joogeen dalkaas ay heshiisyo isakaashi la saxiixdeen madaxda dowlada Qatar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Abaabulka Banaan bax looga soo horjeedo Shirka maanta London ka furmaya oo socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kusii jeeda Degmo Dhawwaan Al Shabaab laga saaray

Cabdi Cade

C/raxman C/shakur oo kashifay qorshe halis ah oo laga leeyahay wax ka bedelka dastuurka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---