Allbanaadir.com
NEWS

Shir Muqdisho uga socda Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ka furmay wajiga labaad ee shir u dhaxeeya Madaxda Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan ayaana looga hadlayay arimaha doorashooyinka iyo sida loo wajahayo kadib markii Xildhibaanada golaha shacabka si aqlabiyad leh u ansixiyeen heshiiskii horey looga gaaray arimaha doorashooyinka.

Madaxda Dowlada Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaana shirkan uga arinsanayaa  sameynta Guddiyada heer Federaal iyo heer dowlad goboleed, dejinta jadwalka doorashada, asteynta kuraasta deegaanada doorashada ka dhaceyso.

Shirkan Muqdisho uga furmay Madaxda dowlada federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa la filayaa in gabo gabadiisa laga soo saaro qodobo la isku raacsan yahay oo kasoo baxaya  geedisa socodka doorashada dalka.

Doorashada Soomaaliya ka dhaceysa oo sanadkan ah mid dadban ayaa waxaa saameyn muuqata ku yeelan doona dowlada goboleedyada dalka ka jira, waxaana la filayaa in la magacaabo guddi doorasho oo heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaaraha UK oon ka qeyb gali doonin aaska amiir Philip iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo howlgal lagu qabtay (Sawirro)

Caydiid Ali

Maamulka Hirshabelle oo sidii la filayay Mudo kororsi sameestay iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---