Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo laga cabsi qabo in ay qasaan doorashada ka dhaceysa dalka Mareykanka

Dalka Mareykanka ayaa la filayaa in bisha November ay ka dhacdo doorashada Madaxtinimada, waxaana socda ololaha doorashada ay wadaan xisbiyada ku tartamaya doorasahadaasi.

Waxaa soo baxaya digniino xoogan oo laga bixinayo in khalalaase amni oo lagu carqaladeenayo doorashada Mareykanka in ay sameeyaan kooxo xagjiriin ah oo ku sugan gudaha dalkaasi.

Saraakiisha Amniga Mareykanka ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaan baxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada.

War kasoo baxay Hey’adda Danbi-baarista ee FBI ayaa lagu sheegay in suurto gal tahay in ay kordhaan khataraha amni ee sameyn karaan kooxaha xagjirka inta ay socdaan olalaha doorashada dhaceysa bisha November.

Dalka Mareykanka ayaa mudooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka socday banaan baxyo iyo rabshado looga soo horjeeday habdhaqanka ciidanka booliiska gaar ahaan dilalka ay booliiska u geesteen dad Madow ah aan hubeesneen .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warbixin ceebeysay Ciidanka Kenya: Intii uu socday weerarkii Manda bay waxay ku dhuunteen Cowska

Caydiid Ali

Weerar dhimasho & dhaawac geystay oo ka dhacay duleedka Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

80 Xildhibaan oo soo saaray bayaan ka dhan ah DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---