Dagaalka u dhaxeeya Wadamada jaarka ah ee Azerbaijan & Armenia ayaa galay maalintii afaraad, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay dagaalkan .
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in boqolaal dagaalyahano ah oo u dhashay dalka Suuriya ayna taageerto Turkiga la geeyay dalka Azerbaijan si ay gacan uga siiyaan dagaalka ay kula jiraan dalka Armenia.
Hay’ad kor kala socota colaadda Suuriya iyo hogaamiye ka tirsan mucaaradka Suuriya, ayaa sheegay in boqolaal ka tirsan maleeshiyaadka Mucaaridka Dowlada Suuriya in laga diray dalka Turkiga si ay ugu biiraan dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia.
War kasoo baxay Hay’adan ayaa lagu sheegay in 300-dagaalyahano Suuriyaan ah la geeyay dalka Azerbaijan , waxa ayna Hay’ada sheegtay in maleeshiyaadkaasi dirtay dowlada Turkiga oo xiriir dhaw la leh dowlada Azerbaijan.,
Dowladaha Turkiga iyo Azerbaijan ayaa labaduba beeniyay warkan ku aadan maleeshiyaadka Suuriyaanka ah ee dagaalka qeybta ka ah, waxa ayna warkaasi ku tilmaameen kuwa been abuur ah.
Dagaalka u dhaxeeya dalalka Azerbaijan iyo Armenia ayaa galay maalintii afaraad, waxaana dagaalkaasi la sheegay in dadka ku dhintay ay ku dhaw yihiin boqol qof ay ku jiraan dad shacab ah.