Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo ka hadlay geeridii ku timid Sheekh Sabaax Al Axmad Al Jaabir

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha maamulka iyo kan Shacabka Puntland, ayaa Dowladda iyo Shacabka Dalka Kuwait uga tacsiyeeyay geerida Amiirkii dalkaasi Kuwait Sheikh Sabaax Al Axmed Al Jaabir Al Sabaax oo maanta ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla Dalka Mareykanka.

Maamulka Puntland ee Soomaaliyeed waxay u ogsoontahay Dowladda Kuwait mahadna uga haysaa, gargaarka bani’aadanimo iyo Mashaariicda horumarin ee lagu najaxay sida Airportka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan oo lagu hirgeliyay ogolaanshaha AHUN Amiir Shiikh Sabaax Al Axmed.

Madaxweyne Deni ayaa Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Dowladda iyo shacabka Kuwait, eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka geeriyooday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo kulan xasaasi ah la qaatay James Swan iyo xubno la socday

Cabdi Cade

Sargaal Heestay Dhalashada Ruushka kana tirsanaa Daacish oo ku dhax geeriyooday Xabsiga Dhaxe

Cabdi Cade

Ciidamada booliiska oo xoog ku joojiyay Banaan bax looga soo horjeeday Dhismaha Hirshabelle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---