Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wararkii ugu dambeeyey dagaal qaraar oo ka dhex socda Azerbaijan iyo Armenia (Sawirro)

Ciidamada Azerbaijan iyo Armenia ayaa sheegtay in midba mid kale uu khasaare xooggan gaarsiiyey, ayada oo maalinkii saddexaad uu galay dagaalka u dhaxeeya ee ka socda gobolka gooni u goosadka ah ee Nagorny Karabakh.

Baaqyo ka yimid hogaamiyeyaasha caalamka oo ku saabsan in la joojiyo dagaalka qarxay Axaddii ayaanay cidna dhageysan.

Golaha Ammaanka QM ayaa lagu wadaa inuu maanta kulan deg deg ah ka yeesho dagaalka, oo ay illaa iyo hadda ku dhinteen 100 qof.

Saraakiisha gaashaandhigga Yerevan ayaa sheegay in gooni u goosatada Karabakh ay iska caabiyeen weerar kaga yimid Azerbaijan, “ayna khasaare xooggan gaarsiiyeen cadowga.”

Waxay intaas ku dareen in tan iyo markii uu dagaalka billowday, uu militariga Azerbaijan gaaray khasaare ah 50 diyaarado drone ah iyo afar helicopter oo lasoo riday, iyo 80 tanki oo la burburiyey.

Saraakiisha difaaca Azerbaijan ayaa dhankooda ku gacan seeray sheegashada Armenia ee la xiriirta inay dib u qabsadeen dhul gacantooda ka baxay Axaddii.

“Ciidamada Azerbaijan waxay sii wadeen weerar ka socda magaalada Fizuli ayaga oo burburiyey taankiyada cadowga, islamarkaana dilay 10 aksari,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Baku.

“Cadowga waxay dalbadeen in laga caawiyo inay goobaha dagaalka ka qataan meydadkooda iyo dhaawacyadooda,” ayey tiri.

Dagaalkan, u dhaxeeya Azerbaijan oo ah dal Islaam ah iyo Armenia oo ah Kirishtan, ayaa hadda laga cabsi qabaa inay soo galaan Ruushka iyo Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheybaaro lagu baaro cudurka Covid-19 oo la geenayo afar maamul goboleed

Cabdi Cade

Gaashaanle dhexe Assimi Goïta oo talada dalkiisa xoog kula wareegay

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo xilka ka qaaday Wasiirkii Amniga Puntland iyo Wasiir kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---