Magaalada Muqdisho ayaa lagu wadaa in uu mar kale ka furmo shir ay isugu imaanayaan Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada dalka, kadib ansixintii Baarlamaanka heshiiskii Doorasada laga gaaray.
Shirkan ay isugu imaanayaa Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ayaa lagu dhameestirayaa heshiiskii horey u gaareen gaar ahaan dhismaha guddiyada doorashada iyo qeexida qaar kamid ah qodabadii ay horey ugu heshiiyeen.
Madaxda Maamul goboleedyada dalka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo la filayo in uu soo gaaro Muqdisho si uu qeyb uga noqdo shirka furmaya.
Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa heshiis ka gaaray nuuca doorasho ee dalka ka dhaceysa iyo waqtiga la qabanayo , waxaana shirkan cusub ku dhameestiri doonaan qodobada mugdiga ku jiro iyo magacaabista guddiyada doorashada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com