Allbanaadir.com
NEWS

Goob Fagaare ah oo lagu toogtay Xasan Cismaan Ibraahim kadib dambi lagu helay

Fagaare kuyaala deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan ayaa lagu toogtay nin lagu helay dambi ah in uu dilay qof kale, waxaana ninkan dilka geestay gacanta kusoo dhigay Al Shabaab .

Maxkamad Al Shabaab leedahay oo lasoo taagay ninka dilka geestay ayaa ku riday xukun dil qisaas ah kadib markii ehelada ninkii uu dilay ay diideen in ay cafiyaan ama diyo ka qaataan, waxa ayna codsadeen in loo qisaaso.

Dadweyne badan iyo xubno katirsan Al Shabaab ayaana isugu soo baxay fagaaraha lagu tooganayay Xasan Aadan Cali oo 44 sana jir ahaa kaas oo horay u dilay Xasan Cismaan Ibraahim.

Al Shabaab ayaa deegaanada ay maamusho ka fulisa xukunada dilka qisaasta ah iyo sidoo kale kuwa xadka, waxaana marar badan Al Shabaab fagaarayaal ku toogatay dad geestay dilal iyo kuwa ay ku eedeeyeen dambiyo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland: “Soomaalinmo maaha in DF diido kiisaska Coronaviruska aan helnay”

Caydiid Ali

DF oo war cusub ka soo saartay cudurka COVID-19 & dad cusub oo u dhintay

Caydiid Ali

(Sawirro) Dibed-baxyo looga horjeedo dilkii George Floyd oo ka socda Minneapolis

Caydiid Ali
Taboola Ads ---