Allbanaadir.com
NEWS

Buuq ka taagan Garoonka Aadan Cadde iyo Shirkado diyaaradeed oo Shaqo joojin sameeyay

Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa xiligan waxaa ka taagan buuq xoogan kadib markii qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya duulimaadka gudaha ay shaqada joojiyeen.

Boqolaal qof oo rakaab ah ayaa saakay tagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde si ay ugu dhoofaan qaar kamid ah gobolada dalka , hasa ahaatee shirkadaha diyaaradaha ayaa sheegay in ay shaqada joojiyeen.

Sida aan wararka ku helnay shirkadaha diyaaradaha ee sameeya duulimaadyada gudaha ayaa ka carooday shaqo joojin lagu sameeyay mid kamid ah shirkadaha diyaaradaha , waxa ayna ku baaqeen marka hore in shaqada loo fasaxo shirkadaasi.

Buuq ayaana saakay ka taagan gudaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, waxaana socda dadaalo xoogan oo lagu xalinayo shaqo joojintan ay saakay sameeyeen shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha kala soco Wararkayaga Dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

TPLF oo sheeko cusub keentay iyo Caqabado cusub oo ka hor yimid Wadahadalka Nabada

Caydiid Ali

Daawo Sawirada: Madaxweyne ku guuleestay Tartan Caalami ah uu ka qeyb galay

Cabdi Cade

(Daawo) Xiisad ka taagan Baydhabo & Waraaqadaha aqoonsiga odayaasha oo

admin
Taboola Ads ---