Allbanaadir.com
NEWS

Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo James Swan oo kulan ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan.

Kulanka ayaana labada dhinac uga wadahadleen xaalada siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo sidii Qaramada Midoobay gacan uga geesan laheyd fulinta heshiisyadii ay gaareen Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

”Waxaan galabta kulan wada qaadannay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay Soomaaliya u qaabilsan Ambasador James Swan. Waxaan ka wada hadalnay aragtideenna ku aaddan heshiiskii laga gaaray doorashooyinka iyo kaalinta ay QM ka qaadan karto fulinta heshiiska.” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaana magaalada Muqdisho kulamo kala duwan kula qaatay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya kuwaa uu inta badan kala hadlayay arimaha doorashada iyo sidii waqtigeeda ugu dhici laheyd.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xulka Qaranka 18 sano jirrada Soomaaliya oo 4-1 looga badiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Askar ka tirsan ciidanka Imaaraadka oo lagu dilay Sudan

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo magacaabay Guddiga Diwaan-gelinta Ururada Siyaasadda (Wareegto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---