Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirad Ganaax lama filaan ku noqday lagu riday iyo Sababta keentay oo la shaaciyay !!

Wasiiradda gaashaandhiga ee dalka Koonfur Afrika Nosiviwe Mapisa-Nqakula , ayaa lagu ganaaxay in laga jaro mushaarka sadex bilood, kadib markii lagu helay in diyaarad ciidamada leeyihiin u adeegsatay safar siyaasadeed.

Nosiviwe Mapisa ayaa lagu helay in diyaarad ciidamada milatariga leeyihiin in ay u ogolaatay in ay ku safraan kuna tagaan dalka Zimbabwe xubno katirsan xisbiga ay katirsan tahay ee talada Koonfur Afrika haya ee ANC.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa , ayaa sheegay ficilka ay sameesay Wasiirada gaashaandhiga in uu ahaa khalad, waxa uuna ku ganaaxay in mudo sadex bil ah mushaarkeeda lagu rido khasnada loogu tala galay xakameynta Caronavirus.

“Falka ay wasiiraddu ku dhaqaaqday waa mid ka horimanayo nidaamka maamulka suubban” taasaa keentay inaan seddex bil oo mushaar ah wasiirradda ku ganaaxo” ayuu yiri. Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika.

Wasiiradda gaashaandhiga Koonfur Afrika Nosiviwe Mapisa-Nqakula, ayaa sheegtay in aysan sameyn wax khalad ah, waxa ayna xustay in iyada oo safar shaqo ugu socota Zimbabwe diyaarada u ogolaatay in ay sii raacaan xubno katirsan Xisbiga ANC.

Xisbiyada Mucaaradka dalka Koonfur Afrika ayaa si weyn u cambaareeyay talaabada ay ku dhaqaaqday Wasiirada gaashaandhiga Koonfur Afrika, waxa ayna sheegeen in ganaaxa Madaxweynaha mushaarka uga jaray Wasiirada aysan ku filneen in lagu ciqaabo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo arrimo muhiim ah kala hadlay Kate Foste (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Deni oo tagay halka ay ku aasan yihiin Sheekh Daarood iyo Xaaskiisa una duceeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidanka Dowladda iyo kuwa Deegaanka oo isku fidiyay degmada Ceeldheer (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---