Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weeraro Saf balaaran ah ku qaaday saldhigyo ay leeyihiin ciidamada AMISOM

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weeraro saf balaaran ah ku qaaday saldhigyo kala duwan oo gobolka Shabeelaha Hoose ku leeyihiin ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM.

Weeraradan ayaana isugu jiray kuwa Al Shabaab madaafiic u adeegsaneysay iyo weeraro kale oo toos ah, waxa ayna inta badan la beegsadeen saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaano iyo degmooyin katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.

Saldhigyada Al Shabaab xalay weerarka ku qaadeen ayaa waxaa kamid ahaa saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Marka,Buufoow Number60 ,Janaale iyo Buula Mareer.

Dagaalyahanada Al Shabaab ayaa sidoo kale xalay weerar ku qaaday saldhigyada ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin deegaannada Arbacoow iyo Calamada ee kuyaala duleedka magaalada Muqdisho.

Weeradan kala duwan ee Al Shabaab ku qaadeen saldhigyada ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolka Shabeelaha Hoose ayaan la ogeyn khasaaraha ka dhashay , mana jiro wax war ah oo AMISOM kasoo saartay weeradan xalay dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo tababar usoo xiray Saraakiil ka qalin jabisay Turksom (Sawirro)

Cabdi Cade

Faahfaahin: Qaraxii lagu burburiyey xaruntii Maamulka degmada Hodan (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Kobaca iyo horumarka dhaqanka Kafee cabista ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---