Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Madaxweyne Biixi oo isu Diiwaangeliyey kaadhka ka qaybgalka Shirweynaha Afraad ee..

Madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee xisbiga KULMIYE u tegay is-diiwaangelinta qaadashada kaadhka ka qaybgalka shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE oo horraanta bisha tobnaad ee soo socota qorshaysan.
 
Madaxweynaha, ayaa maray nidaamka loo qorsheeyey in la mariyo cidkasta oo ka qayb-gelaysa shirweynaha xisbiga, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad oo hawlahoodii shaqo ku dhex jira, iyada oo xubno kale oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo golaha wasiirraduna ay isla maanta mareen nidaamka ay ku helayaan kaadhka ka qaybgalka shirweynaha.
 
Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayey qaban-qaabadiisu meel fiican maraysaa, waxana gebogebo ku dhaw is diiwaangelinta ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka imanaya ee shirweynaha qaybta ka noqonaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo ku laabtay jiidaha dagaalka, hadalna u jeediyey..

Caydiid Ali

Golaha amaanka ee QM oo go’aano ka soo saaray xaalada Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Digniin adag kasoo saaray Hubka ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---