Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo iska Indha tiray Waxqabadkii Kheyre amaana u jeediyay Mahdi Guuleed(vedio)

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta si rasmi ah xilka ula wareegay ayaa iska Indha tiray Waxqabadka Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay ee Xasan Cali Kheyre.

Rooble ayaa ku ammaanay Ku-simihii Ra’iisul Wasaaraha  Mahdi Maxamed Guuleed iyo xubnaha Golaha Wasiirada ee xilka sii haya, hawlihii adkaa, ee ay soo qabteen muddadii saddexda sano iyo barka ahayd ee la soo dhaafay.

Waxa uuna meesha ka saaray soona hadal qaadin doorkii iyo waxqabadkii Ra’isul Wasaarihii ka horeeyay ee Kheyre, waxa uuna u nisbeeyay kuna amaanay waxii la qabtay oo dhan Mahdi Guuleed iyo golaha Wasiirada ee katirsanaa Xukuumadii Kheyre.

https://youtu.be/5rV7RFVnXf4

Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyey arrimaha mudnaanta iyo hor-tebinta u leh Xukuumaddiisa oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha Amniga, Doorashooyinka, Horumarinta Dhaqaalaha, Caddaaladda iyo Adeegga Bulshada.

Sidoo kale, R/Wasaaraha ayaa xusay in uu soo magacaabi doono khabiir sharci oo baaris iyo dabagal ku sameeya tacadiyada jinsiga (kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, isagoo kaashanaya hay’adaha caddaaladda dalka.

“Waxaan soo magacaabi doonaa khabiir sharci oo gaar ah oo xil weyn iska saara baarista iyo la dagaalanka tacadiyada Jinsiga (Kufsiga) ee lagula kaco haweenka iyo caruurta, si uu ugala shaqeeyo hay’adaha Cadaaladda iyo Garsoorka, waxaanu qaadi doonnaa tallaabo kasta oo ku habboon oo lagula dagaallamo fal- dambiyeedyada noocaas ah”.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka kala wareegay ku sime iyadoona xusid mudan tahay in magaalada joogo Ra’isul Wasaarihii uu xilka kala wareegi lahaa diyaarna u ahaa in uu xilka ku wareejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Belgium oo ku baaqday in Maxkamada dembiyada la soo taago Madaxda Israel

Caydiid Ali

Ciidanka NISA iyo koox ka tirsan Al-shabaab oo ku dagaalamay xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Ilhaan Cumar oo lagu dhegan yahay iyo olole xoogan oo lagu doonayo in la eryo oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---