Waxaa maanta la filayaa in uu si rasmi ah xilka ula wareego Ra’isul Wasaaraha cusub ee Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo si aqlabiyad leh dhawaan u helay codka kalsoonida Xildhibaanada golaha Shacabka.
Munaasabad kooban uu xilka kula wareegayo Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ayaa maanta la filayaa in ay ka dhacdo xafiiska Ra’isul Wasaaraha, waxaana munaasabadan qaban qaabinaya guddi wasiiro ah oo loo xil saaray.
Sida aan wararka ku helnay Ra’isul Wasaare Rooble ayaa xilka kala wareegaya Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa kusimaha xilka Ra’isul Wasaaraha, waxaana meesha ka baxday suurto galnnimada in Kheyre xilka ku wareejiyo Ra’isul Wasaaraha cusub.
Ra’isul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa la sheegay in warqad uu u diray Ra’isul Wasaaraha cusub ku wargaliyay in uu diyaar u yahay in uu xilka ku wareejiyo iyada oo sharciga la eegayo.
Dad badan ayaa aaminsan in Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya uusan laheyn go’aano siyaasadeed inta badan talaabooyinka uu qaadayo looga soo yeeriyo xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com