Allbanaadir.com
NEWS

Warbaahinta Caalamka oo hadal heysa Geerida Layla Anwar oo 8-bilood jir aheyd (Daawo Sawirada)

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa maalintii Isniinta ah waxa ay laayeen dad badan oo Falastiiniyiin ah oo ka banaan baxayay Furitaanka Safaarada Dowlada Mareykanka ka furaneysay magaalada Qudus.

In ka badan 60-qof oo shacab Falastiiniyiin ah ayaa ciidamada Isra’il ku dileen Marinka Gaza, waxaana dadkaasi la laayay isugu jireen dhalinyaro, dad da’ ah, Haween iyo caruud aad u da’yar.

Warbaahinta Caalamka ayaa si weyn u hadal heysa geerida  Layla Anwar Al-qanduur oo 8-bilood jir aheyd, waxa ayna gabadhan kamid noqotay dadkii badnaa ee ciidamada Yahuuda ku dileen Marinka Gaza.

Layla Anwar Al-qanduur ayaa la sheegay in ay u geeriyootay sunta ciidamada Israa’il ku buufinayeen dadka banaan baxa dhigayay, waxa ayna gabadhan yar noqotay qofkii ugu yaraa ee ku dhinta banaan baxaasi.

Ciidamada Israa’il ayaa si arxan dara ah u dila shacabka Falastiin iyaga oon u kala saarin caruur iyo ciroole, mana jirto cid wax ka qabaneysa Xasuuqa iyo dhibaatada kale Yahuuda ku hayaan shacabka Falastiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Al-Sisi oo ka hadlay sababta ay hubka u siiyeen Somalia

Caydiid Ali

Dukaan baahiyay Xayeesiin Caro badan abuurtay oo lagu weeraray South Africa (Sawirro)

Cabdi Cade

Degmooyin ka tirsan dalka oo la gaarsiiyay qalabka & Sheybaarka COVID-19 (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---