Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidamo tababar ku soo qaatay Turkiga oo dalka ku soo laabtay (Sawirro+Video)

Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga ayaa ku dhawaad 300 (Saddex boqol) oo askari oo ka tirsan ciidanka kumaandooska Gorgor ku soo dhaweeyay garoonka dayuuradaha Aadan Cadde.

Ciidankaan oo muddo tababar ku qaadanayay dalka Turkiga ayaa saaka dib ugu soo laabtay caasimadda.

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage oo ka hadlay munaasabadda soo dhaweynta ayaa sheegay in ciidankan ay qeyb ka qaadan doonaan la dagaalanka wax uu ugu yeeray argagaxisada.

Sii-hayaha Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) ayaa ciidanka ku dhiirigeliyay in ay aqoontooda uga faa’iideeyaan si dalka looga xoreeyo Al-shabaab, wuxuuna dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada dhanka tababarka ah ee ay siiso ciidanka Qaranka.

HOOS KA DAAWO VIDEO IYO SAWIRRO

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Baarlamanka Somalia oo wafdi u diray Geneva (Ujeedka)

Caydiid Ali

Daawo:-Caqabadihii laga soo maray Aas aaska Maamulka Puntland iyo Ujeedka loo dhisay !!

Cabdi Cade

(Xog cusub) Dowlada Somalia oo dejisay qorshe hor leh oo amniga Muqdisho lagu sugayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---