Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Arrin cusub oo beryahan ku soo korortay degmada Hobyo & Wasiir Fiqi oo ka digay

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa uga digay shacabka ku nool magaalada Hobyo ee gobolka Mudug iyo dadka ka imaanaya deegaanada kale ee dhulka ka cabirta degmadaas, iyagoo marin hab-raaca sharciga ah ee dhul bixinta.

Fiqi ayaa sheegay in dhawaan ay billbaabi doonaan howlgallo looga hortegayo dadka ku kacaya dhul boobka, tallaabo sharciga waafaqsana laga qaadi doono ciddii lagu qabto falkaas.

Waxa uu sheegay in hay’adaha dawladeed ee ku shaqada leh dhul bixinta haatanba ay degmada joogaan, lana xoojin doono, si ay mas’uuliyaddooda u gutaan, balse aan la aqbali karin in dhul baaxad leh uu hal qof xaraysto, iyadoon la qoondeynin dhulkii xarumaha danta guud laga hirgalin lahaa iyo jidadka.

Degmada Hobyo oo dhawaan la filayo in laga bilaabo dhismaha Dekad ay yeelato Galmudug ayaa waxay arrintaasi ka abuurtay in magaaladu noqon doonto xarun ganacsi, waxaana dadku ay wadaan inay dhul ka cabirtaan ama ay ka gataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Biixi oo saddex arrimood kala hadlay Einar Rystad

Cabdi Cade

Maxay dowlada Somalia uga dhigan tahay doorashada guddoonka cusub ee golaha shacabka?

Caydiid Ali

Dhibaato ka taagan Muqdisho oo Dowladda wax ka qaban weysay oo Al Shabaab loogu yeeray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---