Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labada aqal ee Baarlamanka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeelanaya Muqdisho

Labada aqal ee Baarlamaanka ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay ku yeeshaan fadhi wadajir ah.

Waxay uga doodayaan fadhigan heshiiska siyaasadeed ee doorashada oo ay 17-dii bishan gaareen dawladda Federaalka Soomaaliya, dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaasoo la doonayo inay ansixiyaan Baarlamaanka.

Mudanayaasha golaha shacabka iyo aqalka sare ayaa la gaarsiiyey farriin ogeysiis ah oo ah inay 9:00am-ka subaxnimo ee maanta ka soo wada qayb galaan fadhi wada-jir ah oo Baarlamaanku yeelanayo, si ay uga doodaan heshiiskan siyaadsadeed, kadibna ay cod ugu qaadaan.

Heshiiska siyaasadeed ee doorashada ayaa qeexaya hab-raaca doorashada dalka ka dhacaysa, waxaana qodob ka mid ah uu sheegayey in la hor geeyo Baarlamaanka si ay ugu badalaan go’aan sharci ah oo tixraac rasmi ah u noqon kara geedi socodka doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kanaal biyihiisa isku beddeleen casaan iyo Sababta oo la ogaaday

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo Xariga ka jaray garoon Diyaaradeed oo la dhisay (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxay tahay Shuruuda adag ee Israel ku xirtay in gargaar la geeyo Magaalada Gaza?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---