Allbanaadir.com
NEWS

Jiir ama Dooli Abaal marin caalami ah la gudoonsiiyay iyo Sababta keentay (Sawirro)

Jiir ama Dooli 7-sano jir ah oo laga qaaday dalka Tanzaaniya ayaa la gudoonsiiyay abaal marin caalami ah, kadib markii jiirkan loo adeegsaday baaritaanada miinooyinka iyo hubka aan qarxin ee dhulka ku aasan.

Warbaahinta caalamka kuwooda ugu afka dheer ayaa ku waramay in jiirkan oo lagu magacaabo Magawa  loo adeegsaday in lagu baaro laguna soo saaro ilaa 39 miinooyin ah iyo 28 hub aan qarxin ah.

Hay’ad qaabilsan Xanaada Xoolaha oo xarunteeda tahay dalka Britain ayaa jiirkan oo lagu tilmaamay mid aan caadi aheyn gudoonsiisay bilad dahab si loogu abaal mariyo jiirkan oo gacan ka geestay in lasoo saaro miinooyin badan.

” Jiirkan geesiga ah oo Shaqadiisa  aheyd badbaadinta nolosha gaar ahaan deegaanada uu kasoo saaray miinooyinka halista ah ee dalka Cambodia, ” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hay’adda  PDSA.

Bilada Dahabka ah ee la siiyay Jiirkan laga kenay dalka Tanzaaniya ayaa lagu dul qoray Xayawaanka geesiga ah ee shaqada sida daacadda ah u qabtay, waxaana jiirkan abaal marinta helay lagu soo tababaray dalka Biljamka.

Madaxa fullinta ee ha’yadda Apopo, Christophe Cox oo jiirkan gacanta ku heysa ayaa si weyn usoo dhaweesay abaal marinta uu ku guuleestay jiirka ay gacanta ku hayaan, waxa uuna jiirkan tilmaamay in la baray baarista miinooyin iyo waxyaabo kale.

Jiirkan cajiibka ah ee helay abaalmarinta Dahabka ah ayaa loo tababaray in uu uriyo walxaha qarxa, wuxuuna si deg deg ah ku ogaanayaa goobta ay ku aasan tahay miinada, taas oo khuburada u fududeyneyso inay soo saaraan miinada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qalbi dhagax oo markii ugu horeysay ka hadlay cidii ka dambeysay xarigiisa (Daawo Video)

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo qabtay Mooto dhac lagu geystay iyo rag hubeysan oo watay

Caydiid Ali

C/raxmaan C/shakuur: “DF waxay Booliska Malaysia ku wargelisay inaan ahay dembiile”

Caydiid Ali