Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa Laga Ogyahay – Aamina Maxamed oo Safka Hore Ka Gashay Tartanka Hoggaanka WTO

Tartankii hoggaanka Ururka Ganacsiga Addunka WTO oo ay u taagnayeen 8 waddan ayaa la sheegay maalintii Jimcaha September 21, 2020 inay isku soo hareen 5 musharrax. WTO waxaa asalkii la oranjiray Ururka Guud ee Canshuuraha iyo Ganacsiga (GATT) oo 1947kii reer galbeedka iyo xulafadooda ay assaseen. Waddamada adduunka seddaxaad oo badankoodu ay ahaayeen kuwa la gumaysto kama aysan qeyb galin, kuwa xurnimada helaynna lagama tixgelin.

Jagada Agaasimihii Guud ayaa si lama filaan ah u banaanaatay kaddib markii Roberto Azevedo oo u dhashay Brasiil uu go’aansaday inuu iskiis iskaga tagay August 31, 2020 oo ahayd sanad ka hor dhammaadka xilhayntiisii, kaddib markii uu yara dhibsaday amartaagleeyaan dawladaha galbeedka.

Shanta musharax ee isku soo hartay ayaa ka kala socda dalalka Britain, Kenya, Konfurta Kuuriya, Nigeria, iyo Boqortooyada Sacuudiga. Sida khubaro badani ay sheegayaan waxaa jirta rajo ah in Afrika ay sanadkaan hoggaamin doonto ururka, taas oo siin doonta qaaradda fursad lagu maqlo codkeeda.

Qarnigan 21aad dawladahii la gumeysan jiray ayaa madaxbannaanadeen, waxaana kale oo soo baxay dawlada raaci jiray nidaamyo ka duwan midka hantigoosadka ah (Capitalist) sida Hindiya, Shiinaha, Ruushka, dalaka Koonfu Bari ee Aasiya, iwm.

Wareega labaad ee tartanka oo bilaaban doono September 24, 2020 ayaa inta badan musharraxiinta hafin doono iyadoo Marwo Ngozi Okonjo-Iweala iyo Qareen Amina Maxamed la filayo in midkood u soo hari doono wareegga ugu dambeeya, weliba iyadoo Aamina leedahay ixtimaal badan. Tan iyo aasaaskeedii 1995kii hay’addu ma aysan yeelan hoggaamiye dumar ah ama Afrika ka soo jeeday.

Dalka Shiinaha oo xubin ka noqotay WTO 2001 ayaa boos ciriirsanaya isagoo u doodaya danihiisa iyo tan dalalka soo koraaya si wax looga beddelo bahda US/EU/Japan oo marsada danahooda isla markiina aan u hoggaansamin mabaadi’da ay rabaan inay ku dabbaqaan dalalda kale. Halka ayagu ay ku dhaqmaan marka ay doonaan Ilaalinta danaha Suuqooda (Protectionism), sida kaalmada dalagga beeraha (Agricultural subsidy), iwm.

Caqabadaha kala duwan ee hoggaamiyaha cusub uu wajihi doono waxaa ka mid ah hoos u dhaca ka yimid aafada covid-19 ka sokowi, iyadoo ay sii kordheyso xiisadaha ganacsiga ee u dhexeysa labada dal oo matalaya kabada dhaqaale ee adduunka ugu weyn, kawaasoo kale ah Shiinaha iyo Mareykanka.

Sida Runta ah, haddii lasoo kobo mabda’a WTO waa inuu: b) ka taliyo xeerarka ganacsiga adduunnweynaha; j) xalliyo khilaafaadka dalalka dhexmari kara oo la xariira ganacsiga, iyo x) xaqiijiyo in ganacsiga uu u socdo si xor ah, sahlan (smooth) oo daah-furnaan ka muuqato, iyadoo la dhimayo caqabadaha ganacsiga hortaagan (trade barriers). Balse maamulka Madaxweyne Trump ayaa laaday mabd’adaas iyadoo badaeecada iyo xubinta uu doono ku soo roga canshuuro dheeri ah amase hordhiga caqabada kale “America First.”

Si kastaba dowladda Shiinaha oo qaninnimadeedu aysan gaarsiisnay heerka waddaama ka gudbay “Warshadaha” ayaa ku doodeysa in WTO ay waxtar u yeelato waddamada soo koraaya, iyadoo ku andacoonaysa in talooyinkeeda aysan ahayn “kacdoon” inqilaabaya mabaadi’da loo asaasay ururka balse lagu xoojinayo.

Wadahallada iyo “Wax-ka-beddelka WTO” way istaageen sababtuna waa aragtida kala duwan ee xubnaha waa-weyn ee ururka, gaar ahaan dalka Maraykanka oo u muuqda “Lama canaantaa caanihii daadshay” oo ay xitaa xulafadiisa ah sida EU, Japan, iwm aysan la hadli karin.

Natiijada wareegga 2aad ee tartanka waxaa la filayaa October 6, 2020 iyadoo habraaca xulashadu uu dhammaan doono November 7, 2020 walow laga yaabo in doorashada madaxweynaha Mareykanka ay dib u dhac u keento.

Rajada jirta waa in Shiinaha iyo Maraykanka ay ku xalliyaan wadahadal khilaafkooda, markaas waxaa dowladaha soo koraya gaar ahaan Afrika u bannaan inay uu doodaan in WTO laga dhigo urur waxtar u leh oo tixgelinayana duruufohooda.

W/Q Cabdulqadir Cariif Qassim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Warar sheegaya in uu xanuunsan yahay Madaxweyne Putin iyo Kremlin-ka oo ka hadlay

Cabdi Cade

Eng. Yariisow oo Qaswadeyaal ku sifeeyey Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Go’aan adag ka qaatay Ciidankiisa jooga magaalada Laascaanood

Cabdi Cade