Allbanaadir.com
NEWS

Weerar Baangad loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Magaalada Paris ee caasimada dalka Faransiiska, gaar ahaan meel u dhow xafiisyadii hore ee wargeyska Charlie Hebdo, waxaa ka dhacay weerar khasaaro dhaliyay oo loo adeeegsaday baangad.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay afar qof oo la sheegay in ay ku jiraan labo suxufi, waxaana war kasoo baxay booliiska lagu sheegay in dadka weerarka ku dhaawacmay labo kamid ah ku jiraan xaalad halis ah.

Ciidamada booliiska ayaana gacanta ku dhigay labo qof oo looga shakiyay in weerarkaan ka dambeeyeen, dadka weerarkan loo xiray ayaana booliisku sheegeen in dharkooda lagu arkay dhiig .

Goobta weerarku ka dhacay ayaa lagu daadiyay ciidamo badan oo booliis ah, waxaa sidoo kale la xiray iskuulo iyo xarumo kale oo kuyaala aaga weerarku ka dhacay oo laga cabsaday in weeraro lagu qaado.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya xili magaalada Paris ka socoto maxkamadeynta dad loo heesto in ay wax ka maleegeen weerar 2015-kii lagu qaaday xarunta waregyskii loo haystay inuu sawir gacmeed ka sameeyay Nabiga (NNKH) ee Charlie Hebdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo ciida awgeed ka farxiyey boqolaal Maxaabiis ku xirneyd xabsiyada Somaliland

Caydiid Ali

Ciidamada Kenya oo xiray Aqoonyahan Soomaaliyeed oo Siyaasada ka faalooda

Cabdi Cade

(Video) Shiicada iyo marin habaabinteeda dadka muslimiinta sunniyiinta ah !!

admin