Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dadweyne careysan oo saaka dibed-bax ka dhigay degmada Ceelwaaq

Shacab ka careysan dilal ay geysteen ciidamada Kenya ayaa saaka ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Dibed baxa ayaa ka dhashay fal Ciidanka Kenya ay ku weerareen qoys degganaa duleedka Ceelwaaq, halkaasoo ay ku dileen Wiil qoyska ka mid ahaa, iyagoo nolosha ku watay seddex kale oo dhaawacyo qabay, kuwaasoo markii dambe ay dileen kadibna ay god ku rideen.

Shacabka caraysan oo u badan Carruur, haween iyo dhallinyaro ayaa waxay ku hor banaan-baxayaan xerada Ciidanka Kenya ku leeyihiin Ceel-waaq.

Waxay ku dhawaaqayaan ereyo ay uga soo horjeedaan ciidamada Kenya oo halkaas ku sugan oo ay ku eedeeynayaan iney xasuuq ku hayaan dadka degaanka.

“Uma dulqaadaneyno xasuuqa ay nagu hayaan ciidamada Kenya, dowlada Somalia waxaan ugu baaqeynaa iney wax ka qabato, hadii aysan awood u laheyna waxaan diyaar u nahay inaan qoryaha qaadano oo iska celino” ayey tiri haweeney ka tirsaneyd banaanbaxayaasha oo shucuurteedu aad u kacsaneyd.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si adag uga hadlay falkan ay ku kaceen ciidamada Kenya.

Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa iyana sheegay in ciidamada falkaas ku kacay aysan ka tirsan kuwa AMISOM ka dib baaritaan ay sameeyeen, welina dowladaha Kenya iyo Somalia midkoodna kama hadlin dhacdadan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin hubeesan oo Toogasho dad badan lagu dilay ka fuliyay magaalada Buffalo (Sawirro)

Cabdi Cade

Diyaarado ku sigtay in ay isku dhacaan iyo baaris bilaabatay

Cabdi Cade

Madaxweyne la Afgtembiyay oo Xabsi laga sii daayay lana geeyay guriga Xaaskiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---