Agaasimaha cusub ee Waaxda Warfaafinta ee Madaxtooyada Somalia ayaa loo magacaabay Cabdirashiid Maxamed Xaashi ka dib markii agaasimihii hore Cabdi Nuur Maxamed Axmed loo dalacsiiyey agaasime ku-xigeenka Villa Somalia.
Magacaabistan ayaa timid ka dibĀ Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Farmaajo
Cabdirashiid waxa uu ka hor magacaabistan ahaa Agaasime Ku-xigeenka Waaxda warfaafinta.
“Waxaan Agaasimaha cusub u rajaynayaa guul iyo inuu masuuliyaddiisa u guto si xilkasnimo leh, aniga oo Ilaahay uga baryaya inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday” ayuu yiri Cabdi Nuur Maxamed Axmed oo ah agaasime ku xigeenka Madaxtooyada Somalia.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com