Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa shaki weyn galiyay in uu aqbali doono natiijada kasoo baxda doorashada la filayo in bisha November dhacdo hadii looga guuleesto.
Trump oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in si nabad galyo ah ku ogolaan doono natiijada kasoo baxdo doorashada hadii uu guul dareesto, waxa uuna tilmaamay in natiijada ay ku dambeyn doonto Maxkamad.
Madaxweynaha ayaa shaki ka muujiyay codeynta doorashada oo ku dhaceysa qaab boosto ah sababo la xariira cudurka Caronavirus, waxa uuna Trump hadaba walaac ka qabaa in uu doorashada ku guuleesan doono.
Waxa uu sheegay Donlad Trump in aysan horeyn is qab qabsi iyo muran hadii aan wax laga bedelin qaabka doorashada ee boostada, waxa uuna ku baaqay in qaabkan meesha laga saaro si uusan muran u imaan.
“Waxaan si weyn uga cabanayay qaabka codeynta, meesha halaga saaro qaabkan codeynta ah- marka waxay u dhaceysa si nabad ah- mana jirin doonto xil wareejin, waxaa jiri doonaa is qabqabsi” ayuu yiri Trump.
Warkan kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka ayaa muujinaya kalsooni darada ku jirta doorashada bisdha November dhaceysa ee ku tartamayaan Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga Joe Biden.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com