Allbanaadir.com
NEWS

Nin Sixiroole ah oo kala geyn jiray lamaanayaasha is qaba oo Fagaare lagu toogtay

Fagaare kuyaala degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhaxe ayaa lagu toogtay nin la sheegay in uu ahaa Sixiroole , waxaana ninkan gacanta kusoo dhigay ciidamada xisbada ee Al Shabaab.

Maxkamada Al Shabaab ayaa xukun dil ah ku riday Axmed Kuusane Xasan oo lagu eedeeyay in uu ahaa nin saaxir ah, waxaana ninkan sheegtay in sixir ku kala geyn jiray raga iyo haweenka is qaba.

Sida uu sheegay qaadiga Maxkamada ninkan ayaana sixirkii ugu dambeeyay ku kala geeyay lamaanayaal aroos ahaa, waxaana Maxkamada Al Shabaab amartay in ninkan goob fagaare ah lagu toogto.

Dadweyne badan ayaa usoo daawasho tagay goobta lagu tooganayay ninkan lagu eedeeyay in uu saaxir ahaa, waxaa sidoo kale goobta xukunka lagu fulinayay ku sugnaa saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xamse Barre oo arrin muhiim ah kala hadlay wasiiro ka kala yimid dowlad goboleedyada dalka

Caydiid Ali

Madaxweyne Raisi: “Iiraan wax gorgortan ah kama geli doonto barmaamijka Nuclearka”

Caydiid Ali

Siyaasi Caan ah oo la mamnuucay in lagu soo booqdo Xabsi weyn uu ku xiran yahay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---