Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Wargeyskii ugu horeeyay ee loogu talogalay dadka aragga la’ oo laga soo saaray Afrika

Haweeney Itoobiyaan ah ayaa soo saartay isla markaana suuq geysay wargeyskii ugu horreeyay ee loogu talogalay dadka aragga naafada ah ee dalkaasi laga soo saaro.

Qoraalka Braille-ka ayaa oggolaanayaa dadka aragga naafada ka ah inay wax akhristaan iyagoo kaashanaya taabashada farahooda.

Gabadha soo saartay wargeyskan oo la yiraahdo Fiyori Tewolde ayaa la shaqeyneysay wargeyska dowladdu ay leedahay ee Addis Zemen, waxay kaddib go`aansatay inay u adeegto akhristayaasha aragga naafada ka ah.

“Afar milyan oo Itoobiyaan ah oo aragga naafo ka ah, waxaana ogaaday inaysan heli karin warbixinnada, waxaa dhaafa waxyaabaha sida shaqooyinka lagu soo daabaco Wargeysyada,” ayay Ms Fiyori.

Wargeyskan oo lagu magacaabo (Fetil) oo luuqada amxaariga la micno ah (Dun) ayaa wuxuu soo bixi doonaa maalin walba oo Arbaco ah wuxuuna ka hadli doonaa arrimaha bulshada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’iisul Wasaare Khayre oo kulan soo dhaweyn ah la qaatay Alberto Vecchi (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Maxaa ka jira in askarigii laayey Saraakiisha Imaaraadka uu horey uga soo goostay Al Shabaab?

Caydiid Ali

Maamulka Puntland oo soo saaray amar ku socda Shaqaalaha ajaaniibta ah (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---