Guddoomiyaha degaanka Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay in ciidanka ammaanka degaanka ay gacanta ku dhigeen rag burcad ah oo degaanka dhac ka geysanayey.
C/raxmaan Axmed Cali ayaa sheegay soo qabashada raggan inay ka dambeysay ka dib markii ay si adag u shaqeeyeen ciidanka ammaanka, isagoo xusay in raggaas oo ka koobnaa labo nin oo watay qoryo iyo dareyska ciidanka ay haatan ku jiraan gacanta hay’addaha amaanka.
“Ciidanka ammaanka waxay ku guuleysteen in ay soo qabtaan niman burcad ah oo ku labisan dareeska Millitariga, sheegtay in ay Daacish yihiin, guryo xabadeeyay, guryo kale oo dhisme ka socotay joojiyay, intaasi kadib maamulka iyo Hay’adaha ammaanka ayaa ku baxay gacanta ayaa lagu soo dhigay sharciga ayaa la horgeyn doonaa.” ayuu yiri Guddoomiyaha Garasbaaley.
Sidoo kale wuxuu sheegay raggan in ay dhibaato ku hayeen shacabka ku dhaqan degaanka oo ay ugu hanjabayeen in ay ka tirsan yihiin kooxda Daacish, sidaasina ay lacag uga qaadanayeen, balse markii dambe la ogaaday in ay yihiin ciidan ka tirsan kuwa xoogga dalka gaar ahaan Guutada labaad.
Maamulka Garasbaaley ayaa sheegay inay xoojinayaan ammaanka degaanka Garasbaaley inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com