Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Madaxweyne Deni & oo si diiran loogu soo dhoweeyey Magaalada Baydhabo (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay magaaladda Baydhabo.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Mudane Ambs Cali Siciid Fiqi, Goleyaasha Dowladda , Saraakiil Ciidan iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada Baydhabo
ayaa Madaxweynaha iyo wafdigiisa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati gaduud.

“Puntland ayaa xiriir iskaashi la leh dhammaan dowladdaha xubna ka ah DFS, oo ay Koonfur Galbeed ka midtahay, sidaasi darteed Socdaalka Madaxweynaha ayaa la xiriira horumarinta xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Puntland oo looga hadlay socdaalka Deni ee Baydhabo

Madaxweyne Deni ayaa todobaadyadii ugu dambeeyey ku sugnaa magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galay shirkii madaxda DF iyo dowlad goboleedyada ee lagu go’aamiyey hanaanka doorashada ee Somalia

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Fashilka Wasaarada Waxbarashada Maxaa Sabab u ahaa, Maxaasa la Gudboon Wasiir Goodax?

Cabdi Cade

Shirkii Golaha Amniga oo lagu soo dhaweeyey Barnaamij uu sameeyay Maamulka G/Banaadir

Cabdi Cade

Cali Dheere oo isku dhiibay Qeybta 60-aad ee ciidamadda Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---