Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Axmed Karaash oo Garowe ku qaabilay wafdi uu horkacayo Tim Filip Ros (Sawirro)

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xafiiskiisa Madaxtooyada ku qaabilay wafti ka socda Hay’adda Laanqayrta Cas (ICRC) ee Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Mr. Tim Filip Ros oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku weheliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo masuuliyiin kale waxaana looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo dadka ku waxyeelooba colaadaha hubaysan ee ka dhaca deegaanada kala duwan.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sarkaalka ka socday Hayádda ICRC uga mahadceliyey booqashadooda iyo shaqada ay ka wadaan Puntland.

Mr. Tim Filip Ros ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada shaqo ee isaga wafdigiisa ku tageen magaalada Garowe ee xarunta maamuka Puntand, isagoo ka mahad celiyey sida diiran ee halkaas loogu soo dhoweeyey, wuxuuna xusay in heyadda ICRC ay xoojineyso howlaha kala duwan ee ay ka wado Somalia iyo gaar ahaan Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Khilaafka u dhaxeeya Wasiirka Maaliyada iyo Wasiiru Dowlaha oo banaanka usoo baxay (Akhriso Cadeyn)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo mamnuucay Isticmaalka iyo ka ganacsiga Shiishada ,Taabuuga iyo kuwa kale (Sawirro)

Cabdi Cade

Darjiinka Arbaco Rukun oo dib u dhis iyo Casriyeyn lagu sameenayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---