Allbanaadir.com
MUUQAALONEWS

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo Codka Kalsoonida u qaaday Ra’isul Wasaaraha cusub

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo goordhaw la horgeeyay Ra’isul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble ayaa si aqlabiyad leh u siiyay codka kalsoonida.

Kulanka Golaha Shacabka oo maanta oo xaadireen 215-Xildhibaan ayaa waxaa ogolaaday kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha cusub dhamaan Xildhibaanada golaha Shacabka oo gaarayay 215-Xildhibaan.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaaraha cusub uu helay codka kalsoonida Xildhibaanada kadib markii dhamaan ogolaadeen Xildhibaanada.

Ra’isul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la filayaa in uu dhawaan soo dhiso Golle Wasiiro, waxaana wasiirada uu soo magacaabayo la sheegay in ay u badnaan doonaan kuwa hada shaqeeya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Dhallinyaro oo si joogto ah u Daryeela Xayawaanka Yeyda ! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madax Afrikaan ah oo dhex-dhexaadin doonta Raashiya iyo Ukraine (Yaa kamid ah)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ka hadlay Khasaaraha ka dhashay Duqeyn ay shalay ka geesteen Puntland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---