Shacabka magaalada Muqdisho ayaa diyaar garowgii ugu dambeeyey ugu jira soo dhoweynta bisha barakeysan ee Ramadaan oo lagu wado iney bilato caawa ama habeen dambe.
Hadal heynta dadka ayaa waxaa ugu badan bisha Ramadaan iyo xiliga ay bilaabaneyso, waxaana suuqyada magaalada laga dareemayaa mashquul fara badan ka dib markii ay ku soo bateen dadka dukaameysanaya.
Qaar ka mid ah ganacsatada suuqyada magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxyaabaha ugu badan ee dadku ay iibsanayaan ay ka mid yihiin cuntooyinka daruuriga ah sida bariiska, baastada, burka iyo Saliida, sidoo waxaa aad loo iibsanayaa timirta, noocyada cabitaanada iyo waxyaabaha kale ee qasacadeysan oo ay dad badan xiliga Ramadaanku isticmaalaan.
Suuqyada ugu badan ee mashquulka laga dareemayo ayaa waxaa ka mid ah Bakaaraha, Xamar-weyne, Suuq bacaad iyo suuqyo kale oo dhamaantood maalmahan ay ku badan tahay saxmada, iyadoo dadweynuhu ay ka cabanayaan sicirka cuntooyinka qaar oo sare u kacsan.
Meelaha kale ee diyaar garowga bisha barakeysan ee Ramadaan laga dareemayo waxaa ka mid ah masaajidada oo sanad walba marka xiligan oo kale la soo gaaro lagu sameeyo dayactir, lan mariyo rinji midabo kala duwan leh oo lagu qurxinayo.
Shirkadaha Xawaaladaha ayaa ka mid ah meelaha mashquulka ugu badan uu ka jiro, waxaana marka aad tagto xarumahooda lagu arkayaa dad raxan raxan ah oo soo doontay lacago dad eheladooda ay uga soo direen daafaha caalamka, kuwaasoo iyana marka bisha Ramadaan la gaaro lacago u soo dira dad kale oo aysan bilaha kale lacago u soo diri jirin si ay uga faa’iideystaan ajirka iyo fadliga bishaas ay leedahay.
Dhinaca kale, waxaa jira qoysas tabaaleysan oo iney wax iibsadaan iska daaye aan ka war heynin in bisha Ramadaan ay soo fool leedahay, duruufaha nololeed ee ay ku jiraan oo aad u adag awgeed, waxaana dadkaas intooda badan ay ku nool yihiin xeryaha barakacayaasha oo Muqdisho ku yaala, waxaana dadkaas ay la tacaalaan nolol maalmeedkooda, mararka qaarkoodna waxay isla waayaan afka iyo gacanta.
Sidoo kale, gobolada dalka ayaa laga soo sheegayaa inuu ka jiro diyaar garow loo sameynayo bisha barakeysan ee Ramadaan inkastoo inta badan dadku ay heystaan duruufo adag oo dhinaca nolosha ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com