Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xiliga Baarlamanka Somalia codka kalsoonida u qaadayo RW cusub oo la shaaciyey

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ayaa maalinta berito ah kulan xasaasi ah ku yeelan doona xaruntooda KMG ah ee Villa Hargeysa oo ku taalla madaxtoyada Somalia sida lagu sheegay war goor dhow ka soo baxay guddoonka golaha shacabka

Agendaha kulanka ayaa ah labo qodob oo kala ah Hadal Jeedinta Madaxweynaha JFS iyo u codeynta Kalsooni Siinta Raisul Wasaaraha cusub ee Magacaaban.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu Xildhibaanada Warbixin ka siiyo shirarkii uu Muqdisho kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyo waxyaabihii ka soo baxay ee la xiriiray nidaamka doorashooyinka.

Raisul Wasaaraha cusub ee la magacaabay ayaa la filayaa inuu beri helo kalsoonida golaha shacabka taasoo u suuragelineysa inuu xilkasi buuxda ula wareego, inkastoo muddo xileedkiisu aad u kooban yahay.

 

Related posts

(Sawirro) Muxuu Lafragaren kala hadlay saraakiisha Xoogga dalka ee ku sugan Xudur?

Caydiid Ali

Boqortooyada Sacuudiga oo wax badan ka badeshay Aragtidii ay ka qabeen Israa’il

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay Wasiiro iyo Saraakiil katirsan Dowlada Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---